Wednesday, April 2, 2025
Array

Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo ku degtay Muqdisho.

Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 oo ay maamusho Qaramada Midoobay, islamarkaana ay saarnaayeen 22 qof, ayaa si degdeg ah dib ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo isticmaashay caloosheeda, kadib markii lugta hore ama giraangirta diyaaradda ay shaqeyn waysay.

Shilka diyaaradda ayaa dhacay maanta abaaro 1:30 duhurnimo xilliga Muqdisho, iyadoo diyaaradda ay ka duushay garoonka Aadan Cadde saacado ka hor, kuna sii jeeday magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay si nabad ah ugu degtay caloosheeda. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda, iyadoo burburka diyaaraddana uu ahaa mid kooban.

Mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay diyaaradda uga qaadi lahaayeen dhabaha ay ku degtay, iyagoo ballan qaaday in muddo saddex saacadood gudahood ah diyaaradda meesha laga qaadi doono, isla markaana hawlihii garoonka sidii caadiga ahayd dib ugu soo noqon doonaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here