Djibouti, – Dowladda Djibouti ayaa si rasmi ah u ansixisay Istaraatiijiyadda Qaranka ee Amniga Internetka ee 2024-2030, taasoo lagu meel mariyay Golaha Wasiirrada. Istaraatiijiyaddan oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka iyo Hal-abuurka, ayaa ujeeddadeedu tahay in la dhiso nidaam qaran oo dhamaystiran oo lagula dagaallamayo hanjabaadaha internetka isla markaana la xaqiijiyo madaxbannaanida dijitaalka ee dalka.
Istaraatiijiyadda ayaa diiradda saareysa:
- Xoojinta qaab-dhismeedka hay’adaha iyo la-dagaallanka dambiyada internetka.
- Adkeynta amniga iyo adkaysiga nidaamyada dowliga ah iyo kaabayaasha muhiimka ah.
- Horumarinta xirfadaha iyo wacyigelinta bulshada.
- Dhiirrigelinta iskaashiga qaranka iyo midka caalamiga ah.
Wasiirka Caddaaladda, Cali Xasan Bahdoon, ayaa sheegay in istaraatiijiyaddu tahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo goob internet oo ammaan, adkaysi leh, isla markaana madax-bannaan. Waxa uu ku baaqay in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qaybqaataan sidii loo xaqiijin lahaa amniga dijitaalka si loo gaaro horumar waara oo dalka ka dhaca.
“Istaraatiijiyadda Amniga Internetka 2024-2030 waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo jawi ammaan, adkeysi leh, isla markaana ka madax-bannaan falalka internetka ee wax u dhimaya dalka. Waxaan u baahan nahay iskaashi dhammaan hay’adaha dowliga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhinaca amniga dijitaalka ah,” ayuu yiri Wasiir Ali Xasan Bahdon.
Sanadkii 2023, Djibouti waxay furtay Xarun Dowladeed oo u xilsaaran kormeerka, digniinta, iyo ka jawaabista weerarada internetka, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dijitaalka.