Thursday, July 17, 2025

Djibouti oo Ansixisay Heshiiska Caalamiga ah ee kala duwanaanshaha noolaha Badda

DJIBOUTI, (Dawan) – Djibouti ayaa si rasmi ah u ansixisay heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee noocyada noolaha badda ee ka baxsan xuduudaha qaranka, tallaabo ay dowladda ku amaantay inay muhiim u tahay xoojinta siyaasaddeeda deegaanka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Sharciga No. 181/AN/25/9e L, ee ansixiyay heshiiskan oo loo yaqaan BBNJ Treaty (Biodiversity beyond National Jurisdiction), ayaa 6 july 2025uu  saxiixay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, taasoo ka dhigtay Jamhuuriyadda Djibouti dalka 52aad ee si rasmi ah u ansixiya heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay 19-kii Juun 2023 ee magaalada New York, kadib ku dhawaad labaatan sano oo wadahadallo caalami ah.

Ujeedada heshiiskan waa in lagu buuxiyo farqiga sharciga ee maamulka badweynta, iyadoo heshiiska BBNJ uu dejinayo habab loogu talagalay:

  • Qaybinta caddaaladda ee kheyraadka hidde-sideyaasha badda,
  • Gudbinta tignoolajiyada iyo dhisidda awoodda dalalka soo koraya, gaar ahaan kuwa Afrika,
  • Heshiiska wuxuu dhaqan-geli doonaa 120 maalmood ka dib markii la helo ansixintiisa 60aad.

“Qalabkan cusub wuxuu noo oggolaanayaa in dalkayaga uu si buuxda uga faa’iideysto aqoonta sayniska, farsamada, iyo sharciga ee ku saabsan noocyada noolaha badda,” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka Djibouti, Maxamed Cabdulkadir Muuse Helem, intii lagu guda jiray ansixinta heshiiska ee Baarlamaanka Jabuuti.

Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Waara ayaa hoggaamin doonta hirgelinta heshiiska, iyadoo diiradda saari doonta ilaalinta aagagga badda ee ka baxsan xuduudaha qaranka iyo horumarinta khibradaha gudaha. Ansixinta heshiiskan ayaa ku beegantay ka qaybgalka Djibouti ee Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badda (UNOC 3), oo lagu qabtay magaalada Nice ee Faransiiska intii u dhaxeysay 9-kii ilaa 14-kii Juun.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here