Tuesday, July 15, 2025

Doorashada Guddoomiyaha Balcad oo Keentay Muran Siyaasadeed

By Abukar Osman

Balcad (Dawan) – Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Balcad ayaa keentay muran siyaasadeed ka dhex-dhacay dowladda Federaalka Soomalaiya  iyo Hirshabelle, iyo nooca doorashada ee Hirshabelle ay aadayso.

Golaha Deegaanka ee Balcad, oo 21 xildhibaan ka kooban, ayaa maanta dib ugu doortay Guddoomiyaha Golaha, Qaasim Cali Nuur, isagoo helay 20 cod, taasoo uu ku noqday Guddoomiyaha degmada Balcad.

Habka doorashada ayaa ku saleysan nidaamka doorashada dadban ee Soomaaliya, oo ah in xildhibaannada golaha deegaanka ay soo doortaan qabaa’ilka dega degmadaas, iyadoo kadibna Xildhibaanadaas ay sii doortaan guddoomiyaha golaha iyo kan degmada oo isku mid ah.

Balcad, oo ka tirsan Dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa ah mid ka mid ah afar degmo oo leh goleyaasha deegaanka ee gobolka, kuwaas oo kala ah Warsheekh, Jowhar, Mahadaay, iyo Balcad.

Kadib doorashada, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa ka hor yimid doorashada Guddoomiyaha cusub ee Balcad, isagoo sheegay in ay ka hor imaanayso nidaamka doorasho ee dalka iyo heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) iyo shuruucda ay ansixiyeen goloyaasha qaranka. “Doorashadii maanta ee Balcad waxaa ka dhashay wax ka baxsan heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka iyo shuruucda ay ansixiyeen goloyaasha qaranka,” ayuu qoraal ku soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasiir Cali ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hirshabelle inuu diiradda saaro diyaarinta doorashooyinka guud ee dalka ee qof iyo codka ah . “Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Hirshabelle, inuu isku howlo diyaarinta doorashada uu heshiiskeeda saxiixay, halkii uu ka mashquuli lahaa doorashooyin aan waafaqsanayn waqtigeeda oo abuuraya khilaaf iyo iskahorimaad beelaha nabadda ku wada nool,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar Balcad.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe, ayaa ka mid ahaa madaxweynayaasha Dowlada goboleedyada Soomaaliya ee saxiixay nidaamka doorashooyinka ee toos ah ee qof iyo codk ah ee Golaha wadatashiga qaran ay saxiiseen kadibna hay’adaha dowladda ay ansixiyeen shuruucdoodaas.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Hirshabelle ayaa ka jawaabay arrinkaas, isagoo sheegay in mas’uuliyadda doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay shaqo u taalla Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabelle, isla markaana ay iyagu go’aan ka gaaraan. “Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Dowladda Hirshabelle,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Doorashadan ayaa timid iyadoo Hirshabelle ay isbuucyada soo socda qorsheysay in laga bilaabo ololaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay wadaan Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here