Monday, July 14, 2025

Boosaaso oo dooranaysa guddoomiye cusub

Boosaaso (Dawan) – Boosaaso ayaa isku diyaarineysa doorashada guddoomiye cusub kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka iyo duqa magaalada, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle). Doorashadu waxay dhacaysaa 9-ka bishaan.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso, Bashiir Faarax Siciid, ayaa shaaciyay magacaabista guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay in magacaabista guddiga ay ka dambeysay markii xubnaha golaha deegaanka ay u glaadeen sida uu Dastuurka Puntland qabo.

“Caawa waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo duqa Boosaaso oo doorashadiisa la qaban doono 9-ka bishaan,” ayuu yiri Bashiir Faarax Siciid.

Guddigan ayaa ka kooban 7 xildhbana golada deeganka Boosaaso ah:

  1. Xildhibaan Yaasiin Cabdiwaaxid Dhahar (Guddoomiyaha)
  2. Cabdikariin Cali Yuuuf (Xoghaya)
  3. Maxamuud Axmed Samatar (Xubin)
  4. Cabdiraxmaan Hayaan Siciid (Xubin)
  5. Faadumo Madar Cumar (Xubin)
  6. Maxamed Cali Maxamed (Xubin)
  7. Muno Cabdullaahi Axmed (Xubin)

Doorashada guddoomiyahan ayaa imaaneysa kaddib is-casilkii Guddoomiyihii golaha deegaanka iyo duqa magaalada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), oo xilka hayay laba sano ee la soo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here