Jigjiga (Dawan) – Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shaacisay inay sannadkan 2024/2025 (2017 ee jadwalka Itoobiya) ururisay dakhli dhan 18.5 bilyan oo Birr, una dhiganta ku dhowaad $330 milyan, taasoo ka badan qorshihii hore ee ahaa 17.6 bilyan Birr (qiyaastii $314 milyan). Tani waxay ka dhigan tahay 104.6% fulinta qorshihii miisaaniyadeed ee sannadkan.
Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa qoraal uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter) Arbacadii ku tilmaamay kororka dakhligan “muujin horumar la taaban karo oo ka dhashay hufnaanta maamulka, xasilloonida siyaasadeed, iyo kobaca dhaqaale ee deegaanka.”
“Kororka awoodda dakhli ururinta ee DDS tan iyo markii dib-u-habaynta la bilaabay waa muujin cad oo ka tarjumaya isla xisaabtan iyo maamul wanaag,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.
Sida uu sheegay madaxweynaha, dakhligan cusub ayaa hadda ka dhigan qiyaastii 45% miisaaniyadda guud ee DDS—koror weyn oo ka soo hagaagay sanadkii 2018 oo ay ahayd 15% oo kaliya.
Dowlad-Deegaanka ayaa qorsheynaysa in sannadka 2025/2026 (2018 ee jadwalka Itoobiya) ay kor u qaaddo dakhliga ilaa 30 bilyan Birr (qiyaastii \$535 milyan), taasoo gaarsiin doonta dakhliga heer 47% miisaaniyadda guud.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay ka socoto deegaanka qiimeyn ballaaran oo lagu eegayo waxqabadka xafiisyada heer deegaan iyo maamulada gobollada ee 2024/2025,Waxaa la filayaa in marka hawshaas lasoo gabagabeeyo la soo bandhigo warbixin rasmi ah oo natiijooyinkeeda ah. Inkastoo aan wali si madax-bannaan loo xaqiijin xisaab-xirka dhamaystiran ee tirakoobkan, haddana xogta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa loo arkaa mid waafaqsan Wasaaradda Maaliyadda deegaanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ah ee la shaqeeya.