Saturday, May 3, 2025

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay dilka 25 Al-Shabaab ah

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 25 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada deegaanka iyo kuwa qalabka sida, kaas oo ka dhacay deegaanada Muqliqa Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe, iyo Garas-Magan ee gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xalay ayaa lagu sheegay in dowladda ay bogaadineyso geesinimada ciidamada iyo shacabka deegaanka ee ka hortagay weerar ay kooxda Al-Shabaab damacsanayd.

Sida ay sheegatay dowladda howlgalkaas lagu guuleystay ayaa lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka afar kale lagu qabtay nolol, iyadoo saddex ka mid ah ay qabaan dhaawacyo culus. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo laga furtay kooxda.

“Geesiyaasha reer Hiiraan waxay tusaale u yihiin halganka iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya Khawaarijta duulaanka ku ah qaranimadeenna iyo diinteenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.

Gobolka Hiiraan ayaa bilihii u dambeeyay ahaa goob dagaal culus oo u dhexeeya Al-Shabaab oo dhinac ah iyo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here