Tuesday, July 15, 2025

Dowladda oo Horjoogayaal Al-Shabaab ah ku dishay Hirshabeele

Hirshabelle (Dawan) – Subaxnimadii hore ee maanta, Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo ciidamada Macawiisley ayaa howlgalka ay ka fuliyeen Gumarre, oo hoostagta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ku dileen in ka badan toban dagaallame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.

Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed Xasan Howlgalka ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Gumarre qiyaastii 5:45 subaxnimo, taas oo dhalisay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay si degdeg ah uga jawaabaan.

Afhayeenka  ayaa intaas ku daray kadib dagaal saacado qaatay  oo ku dhexmaray labada dhinac, in ciidamada dowladda iyo Macawiisley ay ku guuleysteen in ay kaga adkaadana kooxda deegaanka oo hadda ay gacanata ku hayaan ciidanka dowladda ayana ka dileen in ka badan toban dagaallame oo Al-Shabaab ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo Macawiisley ay beegsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla Guulane, Daaru-nicma, iyo Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkani waxa uu ku guuleystay in lagu dilo laba hogaamiye oo caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu magacaabo Maxamed  Cadow iyo cali Xabad, kuwaas oo labadoodaba ay ku eedeeyeen in ay abaabuleen weeraro iyo xadgudubyo ka dhan ah shacabka.

 “Howlgalkas ka dhacay Guulane waxaa lagu dilay laba horjooge oo cadowga islamarkaana aadna u dhibaateyn jiray oo lagu kala magacaabi jiray Mohamed Adow iyo Ali Xabad.”ayuu yiri Abuukar Maxamed Xasan.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku ammaantay ciidamadu dadaalkooda iyo sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka, waxayna shaaciyeen inay sii wadi doonaan howlgalada nabad ilaalinta ee dalka.


Ciidamada Soomaaliya iyo Macawiisley oo dhinac ah ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kula dagaallamay Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu noqday goob ay labada dhinac ku hirdamaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here