Muqdisho, Soomaaliya —Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in madaxda hore ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan madaxweynayaal, guddoomiyayaal baarlamaano, iyo raysulwasaarayaal, ay qeyb muhiim ah ka yihiin gogosha qaran ee uu dhawaaqay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan waxa uu Wasiir Cali Balcad ka sheegay 25 May 2025 shir u dhaxeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo hordhac u ah gogosha guud ee lagu dhawaaqay.
Wasiir Balcad ayaa sheegay in khibradaha muhiimka ah ee madaxda hore ay ka caawin karaan in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan oo cadaalad ah. Waxa uu xusay in madaxda hore ee Soomaaliya ay ka geysteen horumarinta nidaamka doorashooyinka ee dalka, isla markaana ay kaalin weyn ka qaateen horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
“Waxaa jira madax hore oo dalkan soo maray oo taariikh u leh doorashooyin hore, kuwaas oo mas’uul ka ahaa, madaxweynayaal ama guddoomiyayaal baarlamaano, ama raysulwasaarayaal. Waa muhiim in la dhegeysto ra’yigooda, iyaguna siyaabo kala duwan ayaa madaxda ula xiriiri doontaa,” ayuu yiri Balcad.
Wasiir Cali Balcad ayaa si guud u sheegay dadka ka qeybgalaya Gogosha Qaran, kuwaas oo uu kusoo koobay afar qaybood oo kala ah madaxda dowlad goboleedyada, madaxdii hore ee dalka soo martay, ururrada siyaasadda ee diiwaangashan, iyo ururrada bulshada rayidka. Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay gooni gooni ula kulmeyso qaybahaas ka hor madasha guud.
Hadalkani ayaa yimid iyadoo su’aalo badan laga qabay cidda ka qeyb galaysa gogosha qaran ee uu Madaxweyne Xasan ku dhawaaqay, taas oo looga hadlayo xalinta xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.