Sunday, July 27, 2025
Array

Dowladda Soomaaliya, maxay ka dhahday dagaalkii saakay ee Maxaas?

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in saakay AS ay weerar qaraxyo ku bilowday ay ku soo qaaday degmada Maxaas, halkaas oo ay ciidamda dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska caabiyeen, jab xooganna ay gaarsiiyeen kooxda weerarka soo qaatay, balse dowladda kama aysan hadlin cidda gacanta ku heysa degmada Maxaas oo marki ugu danbeysay ay AS la wareegeen.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay haatan wadaan abaabul si loo xoojiyo difaacyada Maxaas iyo deegaannada ku hareeraysan. Wasaaradda ayaa warkaan ku sheegtay war-saxaafadeed ay ka soo saartay howlgaladii ugu danbeeyay ee maanta.

War-saxaafadeedka waxaa qeyb ka ahaa in Ciidanka Kumaandooska Danab ee Soomaaliya oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Durdurro ee gobolka Baay iyo Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo weeraray xarumo ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda AS.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka Durdurro lagu dilay horjooge sare oo kooxda ka tirsanaa, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed (Mascuud), kaas oo la sheegay inuu ahaa khabiir miinooyinka wadooyinka ku aasa. Ilaaladii horjoogahan ayaa sidoo kale lagu dilay isla howlgalkaas.

Dhanka Leego, ciidanka Danab ayaa burburiyay fariisimo ay AS si qarsoodi ah uga dhisteen deegaanka. Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalladan ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amniga, laguna baabi’iyo khatarta ka imaanaysa xarumaha qarsoodiga ah ee AS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here