Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay si buuxda u la wareegtay gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. La wareegidda degmada ayaa timid kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa macawisleyda ah ay ku qaadeen fariisimaha ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka.
Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood, Muxudiin Kulmiye, oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in howlgalka saakay dhacay uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyey, isla markaana ay ku guuleysteen in ay ka saaraan kooxda Al-Shabaab ee deegaanka ku sugneyd.
“Ruun-nirgood waxaa ka dhacay howlgal qorsheesan oo ciidanka deegaanka iyo ciidanka dowladda ay qaadeen saakay. Xaruntii ay ku sugnaayeen nimanka argagixisada (Al-Shabaab) ayaa weerar lagu qaaday, waxaana laga saaray, lagana wareegay,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha degmada, kuwaasoo dadka shacabka iyo ganacsatada ku dhibaataynayay.
Si kastaba, Guddoomiyaha ma shaacin qasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo tirada khasaaraha ee ka soo gaadhay labada dhinac. Dib-u-la wareegista degmada Ruun-nirgood ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.