Muqdisho (Dawan) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay in mar kale lagu qabtay shixnad daroogo ah Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo noqoneysa qabashadii labaad ee waaweyn muddo toddobaadyo gudahood ah.
Sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaa gacanta lagu dhigay 48 jawaan oo daroogo ah, midkiiba ay ku jireen 52 baakadood, taas oo guud ahaan noqoneysa 2,496 baakadood, iyo sidoo kale 6 kartoon oo xaashida lagu xirxiro daroogada. xafiiska waxa uu sheegay in la qabtay ka hor inta aan dalka dibaddiisa loo dhoofin.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu yiri: “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku dhigay markii labaad daroogo ka kooban 48 jawaan oo midkiiba ay ku jirto 52 baakadood, taas oo isku darkeedu noqonayso 2,496 baakadood iyo 6 kartoon oo xaashida lagu xirxiro daroogada.”
Qabashadan ayaa ku soo beegmaysa kadib dhacdo kale oo 7-dii Agoosto lagu qabtay isla garoonka, xilligaas oo la helay 189 baakadood oo daroogo ah oo lagu waday in la dhoofiyo. Labada jeerba dowladda ma shaacin halka loo waday daroogadaasi.
Garoonka muqdisho horay waxaa looga mamnuucay dhoofinta Xalwadda iyada oo la qabtay xalwo lagu dhex qariyay daroogo oo garoonka laga dhoofin rabay.