Sunday, July 20, 2025
Array

Dowladda Soomaaliya oo Xanibtay 575 Taleefan oo AS ay Adeegsanayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay howlgallo waaweyn oo lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee AS iyo Daacish, iyadoo sheegtay in xannibaadda kumanaan Accounts iyo khadad isgaarsiineed oo loo adeegsaday macaamilada Kooxda.

Ku dhawaaqistaan maanta la sameeyay ayaa xaqiijiyay in intii u dhexeysay 1-da Janaayo iyo 30-ka Juun 2025, dowladda Soomaaliya ay hirgelisay ololaha burburinta kaabayaasha maaliyadeed ee AS iyo Daacish guud ahaan dalka.

“Qorshahan lagu burburinayo maalgelinta argagixisada waxa uu ka koobanyahay xeelado iyo tallaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu ogaado, baaro, xannibo, isla markaana dacwad lagu soo oogay hawlgallada maaliyadeed ee sharci-darrada ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta rasmiga ah.

Natiijooyinka muhiimka ah ee howlgallada waxaa ka mid ah:

  • 575 taleefan oo ay AS iyo Daacish u adeegsanayeen cabsi gelin, hanjabaada, musuqmaasuqa, iyo kaydinta lacagaha laga soo aruuriyay ayaa si rasmi ah loo xiray.
  • 21 xisaab(Accounts) bangi oo lala xiriirinayay kooxahan ayaa la xannibay.
  • 88 xisaab(Accounts) ganacsi oo loo isticmaalay ururinta lacagaha musuqmaasuqa iyo habka wareejinta ayaa la xiray.
  • Shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa ururinta lacagaha laga soo aruuriyay ayaa loo gudbiyay maxkamadaha.
  • Taliyeyaal maaliyadeed oo sare oo ku jira shabakadahaas ayaa la aqoonsaday oo la baabi’iyay, taasoo carqaladeeysay hogaaminta iyo isku xirnaanta kanaallada maalgelinta.
  • Goobihii ciidanka wadada iyo meelaha lacagaha lagu keydiyo ee kooxdaan isticmaali jireen ayaa la burburiyay.

Dowladdu ma aysan shaacin qadarka guud ee lacagaha ku jiray xisaabaha ama jeegaga taleefan ee la xannibay.

Dowladdu waxay carabka ku adkaysatay in ololahan ay ka hirgelisay iskaashi la leh shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Barnaamijyo wacyigelin ayaa la bilaabay si loogu wargeliyo dadweynaha khataraha maalgelinta kooxahan.

“Qof kasta oo lagu helo maalgelinta argagixisada waxa uu wajahaya cawaaqib xumo sharci oo adag,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan fulinta shuruucda maaliyadda ee dalka, waxayna ku baaqeen in dhammaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka ay iska ilaaliyaan ka qaybqaadashada hawlaha la xiriira taageerada maaliyadeed ee AS iyo Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here