Tuesday, June 17, 2025

Duqeyn Cirka Ah oo Lagu Beegsaday Daacish xilli Puntland ay shegatay gacan ku heynta 98% Buuraha Al-Miskaad

Taliska Ciidamada Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), oo kaashanaya  Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyay duqeyn cirka ah 13-kii Juun 2025, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, ee ku sugan deegaan ku yaal yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waqooyi-bari Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ay AFRICOM soo saartay 16 Juun 2025, duqeyntan ayaa ahayd mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday, looguna talagalay in looga hortago  awoodda Daacish ee ku aaddan abaabulka iyo fulinta weerarro halis gelin kara danaha iyo dadka Mareykanka iyo saaxiibadiisa gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Deegaanka la beegsaday oo ku yaalla gobolka Bari ayaa la ogyahay inuu yahay mid ka mid ah meelaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan xubnaha xiriirka la leh Daacish ee gudaha Soomaaliya. AFRICOM kama aysan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo nooca agabka la adeegsaday, sababo la xiriira ilaalinta sirta iyo ammaanka howlgalka.

“AFRICOM oo garab la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka, waxay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada halista ah ee ku wajahan Mareykanka, ciidamadiisa iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

In kasta oo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntii dhacay 13-kii Juun, AFRICOM waxay ku adkeysatay inay sii wadi doonto howlgalada noocan ah maadaama Daacishta-Soomaaliya ay weli khatar ku tahay xasilloonida gobolka iyo amniga caalamka.

Duqeyntan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kadib markii mas’uuliyiinta amniga Puntland ay shaaciyeen inay qabsadeen 98% dhulka buuraha Al-Miskaad, oo muddo dheer u ahaa saldhig muhiim u ah kooxda Daacish.

Puntland ayaa hadda loo arkaa xuddunta dagaalka lagula jiro Daacish gudaha Soomaaliya, iyadoo is-afgarad iyo iskaashi sii kordhaya uu ka dhexeeyo dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qeyb qaadanaya la-dagaalanka Daacish.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here