Friday, March 21, 2025

Duqeyn Lagu Dilay Horjoogayaal Al-Shabaab ka tirsan.

Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay deegaanka Dib-dheer ee degmada Ceel-Buur, gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda, duqeyntan ayaa lala eegtay xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo xilliga la weeraray ku shirayay deegaanka Maalin Nuur, si ay ugu gogol xaaraan weerarro hor leh oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo macawiisleyda deegaanka.

Taliska CXDS ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lagu dilay horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:

  1. Axmed Macalin – Horjoogihii kooxda ee degmada Ceel-Buur.
  2. Abuu Salmaan – Horjoogihii kooxda ee deegaanka Ceel-Garas.
  3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii deegaanka Xindheere.
  4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii deegaanka Ceel-Qooxle.
  5. Sakariye – Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee Galgaduud.

duqeynta waxaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo ka shaqeynayay faafinta fikradaha Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:

  • Mirre Cagdhere
  • Muuse Cumar
  • Maxamed URur
  • Xaaji Bashiir

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaan uu jawaab u ahaa weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanka Bay-Caadle 13-kii Maarso 2025, halkaas oo macawiisleyda deegaanka ay dagaal toos ah la galeen Al-Shabaab.

“Taliska CXDS wuxuu xaqiijinayaa in hawlgalkan uu daba socdo weerarkii taariikhdu markii ay ahayd 13-kii Maarso 2025, markaas oo geesiyaasha Macawisleyda deegaanka ay si toos ah ula dagaalameen khawaarijta ku sugnaa tuulada Bay-Caadle,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Duqeyntan ka dhacday Galgaduud ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay saakay sheegtay in xalay duqeyn kale lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo shir ku lahaa gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa sare u qaaday duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, halka kooxda ay iyaduna kordhisay weerarada ay ku qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee macawiisleyda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here