Wednesday, June 18, 2025
Array

Duqeyn ka dhacday Maqooqaha oo lagu dilay 25 AS ah.

Goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa duqeyn ka dhacday ugu yaraan 25 qof  ay lagu dilay, sida ay Dowladda Soomaaliya sheegtay.

War-saafadeed oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamda xooga dalka gaar ahaan Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka duqeyn ay ka fuluyeen deegaanka Maqooqaha oo qiyaastii 100KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladda Kismaayo ay ku dileen ugu yaraan 25 xubnood oo Al-shabaab ah, iyaga oo intaas ku daray in ay jiraan dhaawacyo laga daadgireeyay koobta.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xubnahaan xilikii ay duqeynta dhaceysay uu shir ugu socday deegaanka, kaas oo ay ujeedadu ahayd abaabulka weeraro qorsheysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaal ballaaran oo lagu wado in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee deegaannada koonfureed.

DFS iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa xusay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab , iyagoo dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here