Muqdisho, 13-ka May 2025 – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyay howlgal cirka ah oo qorsheysan, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish (ISIS) ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
War saxaafadeed kasoo baxay dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in Duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow 70km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, dowlad-goboleedka Puntland.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah sida ay sheeegtay dowladda soomaaliya dadaallada lagu taageerayo Ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaas oo howlgallo joogto ah kula dagaallamaya kooxaha argagixisada.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan warbixin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, iyadoo ay sheegtay in ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo natiijada rasmiga ah ee weerarkaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn u bogaadineyso iskaashiga dhow ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Mareykanka, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo in la ciribtiro kooxaha ka dagaalama gudaha soomaaliya.