Saturday, May 10, 2025

ECW oo $17.1 Milyan ugu deeqday waxbarashada carruurta Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda Education Cannot Wait (ECW), oo ah sanduuqa caalamiga ah ee waxbarashada xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka daba dheeraada, ayaa ku dhawaaqday deeq cusub oo gaaraysa $17.1 milyan si waxbarasho tayo leh loogu fidiyo in ka badan 43,000 oo carruur ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo ay saameeyeen dagaallo, abaaro, iyo barakac.

Deeqdan cusub ayaa wadarta guud ee maalgelinta ay ECW ku bixisay Soomaaliya ka dhigeysa $64.2 milyan. Barnaamijkan oo loogu magac daray Barnaamijka Adkeysiga ee Sanadaha Soconaya waxaa hirgelin doona hay’adaha ADRA, Save the Children, Concern Worldwide, iyo Formal Education Network for Private Schools (FENPS), iyadoo si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Yasmine Sherif, Agaasimaha Fulinta ee ECW, ayaa sheegtay in in ka badan 4.5 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah aysan weli helin waxbarasho, taasoo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo wax ka qabashada arrintan. Waxay ugu baaqday beesha caalamka in laga hortago in Soomaaliya noqoto “musiibo la hilmaamay.”

Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo matalaya mid ka mid ah deeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee ECW, ayaa sheegay in barnaamijkan cusub uu yahay mid muddo dheer socda oo si gaar ah ugu talagalay carruurta nugul ee ku nool xaalado adag.

“Boqortooyada Ingiriiska waxaa si buuxda uga go’an inay la shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sida Education Cannot Wait si loo dhiso mustaqbal ammaan iyo xasilloon oo carruurta Soomaaliyeed ay ku kori karaan,” ayuu yiri Safiir Nithavrianakis.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulakdir, ayaa isna ku tilmaamay iskaashigan mid muhiim u ah mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka waxbarasho tayo leh.

“Iskaashigan waxaan ku adkeyneynaa go’aankeenna ah inaan carruurta siino jawi waxbarasho oo ammaan ah, loo siman yahay, ayna helaan xirfadaha iyo aqoonta nolosha muhiimka u ah,” ayuu yiri Wasiir Farah Sheikh Abdulakdir.

Barnaamijkan ayaa laga hirgelin doonaa lix goobood oo ku kala yaalla gudaha Soomaaliya, wuxuuna xooga saari doonaa abuuridda deegaan waxbarasho oo badbaado leh oo loogu talagalay carruurta nugul, barakacayaasha iyo kuwa naafada ah. Waxa kale oo barnaamijku xoojin doonaa fahamka akhriska, xisaabta iyo xirfadaha bulshada iyo nafsiga ah ee muhiimka u ah horumarka carruurta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here