Monday, March 31, 2025

Erodgan oo ku baaqay in Soomaaliya aysan dayacin dedaalladii uu Turkiga ku bixiyay

By Sayyid Omar

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xalay xarunta madaxtooyada Turkiga kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Erdoğan oo kulan afur ah madaxtooyada ugu qabtay wakiillada kooxaha diimaha laga tirada badan yahay, uuna ka soo qeybgalay madaxweyne Xasan ayaa Soomaaliya ugu baaqay in aysan dayacin dedaalladii Turkigu ku bixiyay.

“Waxaan rejaynaynaa, in la ilaaliyo guulaha ay Soomaaliya ku gaartay taageerada dalkeenna, iyo in aan sii xoojino nabadda iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri madaxweyne Erdogan

Sidoo kale, Erdoğan ayaa carabka ku adkeeyay in Turkigu uu taageerayo nabadgelyada, amniga, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in Turkigu uu sii wadayo dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro xasillooni waarta oo ka dhex dhalata Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo geeddi-socodka nabadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Intii uu kulanka socday, Erdoğan ayaa caddeeyay in iskaashiga adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca la dagaallanka Alshabaab uu sii xoogeysan doono.

“Turkiga wuxuu mar walba garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxaana sii ballaarin doonnaa iskaashiga la dagaallanka argagixisada,” ayuu yiri Erdoğan.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku aaddan dhaqaalaha, ganacsiga, amniga, iyo gaashaandhigga. Madaxweyne Erdoğan ayaana hoosta ka xarriiqay sida Turkigu uu uga go’an yahay inuu gacan ka geysto horumarinta adeegyada muhiimka ah ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here