Wednesday, December 18, 2024

Erdogan: Waxaan qaadnay tallaabo bilow cusub u ah Soomaaliya iyo Itoobiya

Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay Arbacadii in la qaaday tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub u noqon karta iskaashi dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Ankara, kadib markii lasoo gabgabeeyay wareegii seddexaad ee wadahadaladda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo labadiisa dhinac ay taaganyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Erdogan ayaa tilmaamay in kalsoonida ay Soomaaliya iyo Itoobiya u hayaan Turkiga ay horseeday in la gaaro marxalad muhiim ah oo ka mid ah hannaanka wadaxaajoodka soo billowday siddeed bilood ka hor.

“ Waxaan ka  gudubnay marxaladdii  kalsoonidarrada iyo isfahan la’aanta. Waxaan qaadnay tallaabadii ugu horreysay ee bilow cusub oo ku salaysan nabad iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya.” ayuu yiri Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in la xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka dhalata gobolka geeska afrika oo muhiim u ah qaaradda iyo caalamka, wuxuuna hadalkiisa raaciyay “Qoraalka heshiiska wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen wuxuu aas-aas u noqon doonaa iskaashiga, koboca dhaqaalaha, iyo barwaaqada gobolka, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraam.”

Erdogan ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan mashruucyo kordhinaya nabadda iyo barwaaqada shacabka gobolka.

” Waxaan hadda wixii ka dambeeya tallaabooyinkeena u wada qaadi doona si wadajir ah, annagoo isla shaqaynayna si aan u hirgelinno mashaariicda kordhinaysa nabadda iyo barwaaqada dadweynaha gobolka.”

Isaga oo ka hadlayay baahida Itoobiya ee dhanka badda, waxa uu yiri Erdogan “Iyada oo laga amba qaadayo  baahida Itoobiya ee ku aaddan marin-badeedka…. Waxaan kalsooni ku qabaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qayb qaadan doono  taageerada iyo gacan-siinta lagama maarmaanka ah ee ku aaddan arrinta marin-badeedka.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda gooni-isu-taagga ah ee Somaliland bishii Janaayo 2023, kaas oo u oggolaanayay Itoobiya inay u isticmaasho xeebaha Somaliland arrimo ganacsi iyo ciidanba.

Dowladda Soomaaliya ayaa diidday heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay “mid sharci-darro ah oo halis ku ah deris wanaagga iyo madax-bannaanideeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here