Monday, September 16, 2024

Falcelinta siyaasiyiinta iyo xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Muqdisho (Dawan)- Wax yar kadib markii ay soo baxday natiijada codeynta xubanaha Qaramada Midoobay laguna dhawaaqay in Soomaaliya ay ka mid noqotay xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, waxaa billaawaday farrimaha kala duwan ee ay siyasiyintu ku bogaadinayaan guusha usoo hoyatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku faanay in xilligiisi lasoo billaabay dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu baadi goobayay kursiga Goalaha Ammaanka ee maanta la gaaray guushiisa.

“Qaranka Soomaaliyeed oo ku guulaystay Kursigan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay inoogu danbaysay sannadkii 1972-kii, waxa ay dalkeenna u tahay sumcad iyo guul taariikhi ah, taas oo noo muuqatay markii aannu bilaabaynay himiladan” ayuu yiri, Farmaajo

Madaxweynihii xilligi kumeel gaarka Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in guusha xubinimada Golaha Ammaanka ay ku timid dadaaladii ay sameeyeen xukuumadihii dalka soo maray, wuxuuna bartiisa Facebook kusoo qoray; “Xubinnimada Dalkeenna ee kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee labada sano ( 2025-2026), waxay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed u tahay guul taariikhi ah. Guushaas waxa ay daliil u tahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaaladii ay sameeyeen xukuumadihii is xigay”

Shariif ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dhammaan muwaadiniinta iyo madaxduba ay u midoobaan arrimaha muhiimka u ah ee saameeya danaha Qaranka iyo daryeelka dadka. “Midnimada iyo iskaashiga ayaa muhiim u noqon doona wax ka qabashada caqabadaha iyo ka faa’ïideysiga fursadaha cusub ee na horyaalla si kor loogu qaado nabadda, amniga, iyo horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan caalamkuba”.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa sheegtay in xukuumaddii uu hogaaminayay ay soo bilaawday halagnkii loo galay raadinta xubinimada Golaha Ammaanka ee maanta la gaaray, isaga oo yiri;

“Waxaan ku faraxsanahay in uu guuleystay hayaankii iyo himilladii aan soo billownay markii Oktoobar 2018kii ay codsiga xubinnimadan gudbisay xukuumaddii aan Raysulwasaaraha ka ahaa, oo baadigoobka kursigan gelisay dadaallo diblumaasiyadeed, si ay 52 sano ka dib Soomaaliya xubin uga noqoto Golaha Ammaanka”

Khayre ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka in aragti cad ka yeeshaan sidii looga miradhalin lahaa fursaddan taariikhiga ah, lana xoojiyo xafiiska Soomaaliya ee Qaramada Midoobay si uu dalku kaalin firfircoon uga qaato Golaha Ammaanka, milgo iyo kartina ugu matalo Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guusha ay gaartay Soomaaliya ay imtixaan ku noqon doonto mowqifyada ay ka qaadanayso qaddiyadaha caalamaka, iyada oo ay jirto inuu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya dowladaha waaweyn ee isku hardinaya siyaasadda caalamka, wuxuuna yiri;

“Guushaan Soomaali u soo hoyatay waa imtixaan ay tahay in ay Dowladdu caddeyso mowqifkeeda qaddiyad kasta oo caalami ah oo la soo hordhigo Golaha Ammaanka. Waliba waa xilli shanta xubnood ee joogtada ah, lehna awoodda ishortaagga go’aanka Golaha, uu cilaaqaadkoodu marayo meel aad u hooseysa”

Waxa uu intaas raaciyay; ” Waxaan hubaa haddii wadatashi ku salleysan xog ogaalnimo, aqoon iyo falanqeyn qoto dheer, lagu salleeyo in Soomaaliya codkeedu uu noqon doono mid kor u sii qaada maqaamka Dowladda Soomaaliya ay ku leedahay Afrika iyo Caalamkaba”

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in codka kursiga lagu dhiibo cadaadis iyo dano gaaban, wuxuuna tilmaamay in ay muhiim tahay in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo qeexaysa danta dalka, qaddiyadaha ummadeed ee caadilka ah iyo quruumaha ay Soomaaliya ku metesho kursigan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here