Monday, December 23, 2024

Faransiiska oo Taageero Muujiyay Helitaanka Marin Badeedka Itoobiya

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku wajahan helitaanka marin badeedyo kala duwan, isagoo xusay in arrintan lagu xaqiijin karo wadahadal iyo ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo derisyada.

Hadalka Madaxweyne Macron ayaa yimid Sabtidii, kadib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Macron oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Ankara

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Madaxweyne Macron wuxuu si diirran u soo dhaweeyay bayaanka ay Itoobiya iyo Soomaaliya ku gaareen Ankara 11-kii Diseembar, heshiis uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loogu dhaqaaqayo xasiloonida Geeska Afrika.

Waxaan awooday inaan u hambalyeeyo Ra’iisul Wasaaraha heshiiskii uu la gaaray Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacay Turkiga, iyadoo taageero ka helaya Midowga Yurub, 11-kii Diseembar,” ayuu yiri Macron. “Waxaan ku dhiirrigeliyay sii wadista wadahadalka si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata Geeska Afrika, iyadoo la ixtiraamayo madaxbannaanida dhammaan dhinacyada.

Faransiiska oo Diyaar U Ah Taageeridda Dadaalka Itoobiya

Madaxweyne Macron wuxuu sidoo kale muujiyay in Faransiisku uu diyaar u yahay inuu ka caawiyo Itoobiya dadaallada ku aaddan helitaanka marin badeedyo kala duwan, isagoo xusay in arrintan loo baahan yahay in loo maro wadahadal mas’uul ah oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Faransiisku wuxuu diyaar uyahay inuu kaalin ka qaato taageeridda hannaanka helitaanka marinada kala duwan iyadoo loo marayo wadahadal mas’uul ah, deggan, oo ixtiraamaya sharciga caalamiga ah iyo iskaashiga deriska,” ayuu kusoo gabagabeeyay Macron.

Hadalka Macron ayaa yimid kadib heshiis ay magaalada Ankara ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaas oo lagu sheegay inuu soo afjarayo khilaaf muddo sanad ah ka dhex jiray labada dowladood. Heshiiskaas ayaa adkeeyay in labada dhinac ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowlad walba.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here