Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u difaacay go’aanka ciidanka dowladda ee ku aaddan ka bixitaanka furimaha dagaalka, isagoo ku tilmaamay tallaabo xeeladaysan oo ka mid ah istiraatijiyadaha milatari ee la adeegsado marka xaaladuhu isbedelaan.
War-saxaafadeed uu xalay soo saaray, Farmaajo wuxuu ku sheegay in banneeynta furimo dagaal aysan macnaheedu ahayn guuldarro, balse ay tahay xeelad dagaal oo qayb ka ah qorsheyaasha dagaalka.
“In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeelad dagaal uga soo baxaan, macneheedu maaha in laga adkaaday,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.
Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan warar uu ku tilmaamay “dacaayado raqiis ah” oo uu sheegay in kooxaha Al-Shabaab ay u adeegsanayaan sumcad dilka ciidamada qaranka iyo marin habaabinta xaqiiqada dalka ka jirta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in xilligii uu xilka hayay, gaar ahaan sannadihii 2018 ilaa 2020, iyadoon dhismaha ciidamada si buuxda loo dhammaystirin, haddana la suurtageliyay in Al-Shabaab laga saaro magaalooyin muhiim ah sida Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid, iyo Caanoole.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay danta guud ka hormariyaan arrimaha gaarka ah, sidoo kalena wuxuu dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.