Laascaanood, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa si diirran u soo dhoweeyey saraakiishii iyo ciidamada Puntland ee lagu soo daayay is-weydaarsigii maxaabiista ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland.
Soo dhaweyntan ayuu Firdhiye ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo May 3, 2025 ka furmay magaalada Laascaanood.
Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in saraakiisha iyo ciidamadaas la soo wareejiyay ay yihiin halyeeyo xaq u dirir ah, kuwaas oo kasoo baxay gacanta uu ugu yeeray cadowga Soomaali diidka ah.
Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay dadaalka lagu xaqiijiyey xorriyaddooda, isagoo si gaar ah u bogaadiyey kaalinta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo uu sheegay inuu horseed ka ahaa geeddi-socodka is-weydaarsiga maxaabiista.
“Waxaan cadaynaynaa in Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ay u taagan yihiin nabad gelyo inay kula noolaadaan deriskooda, inay xaqdhooraan cidkasto oo xaqdhoorta qadiyadooda iyo Jiritaankooda ,” ayuu yiri Firdhiye.
Maxaabiista loo sii daayey Puntland oo tiradoodu ahayd 11 qof ayaa qeeb ka aha amaxaabiis lagaga qabsaday dagaalkii sannadkii 2023 ka dhacay gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada SSC-Khaatumo oo garab ka helaya Puntland iyo ciidamada Somaliland.
Sii deyntooda ayaa timid kadib is-weydaarsi rasmi ah oo dhacay 30-kii April, kaas oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen 26 maxbuus. Puntland ayaa wareejisay 15 maxbuus, halka Somaliland ay wareejisay 11 maxbuus.
Sidoo kale, SSC-Khaatumo ayaa hore si shuruud la’aan ah ugu sii deysay Somaliland 25 maxbuus oo dagaal ah, arrintaas oo daba socotay booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku tagay magaalada Laascaanood.