Friday, July 25, 2025

UK iyo IOM oo Koonfur-Galbeed Ka hirgeliyayXarumo Wasaaaradeed

Baydhabo (Dawa) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay 23kii bishaan dhismayaal cusub oo casri ah oo loogu talagalay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha. Xarummadan oo laga dhisay meel istiraatiiji ah oo ku taal magaalada Baydhabo ayaa loo habeeyay si ay ugu fududaato wasaaradaha bixinta adeegyada bulshada.

Dhismaha Mashruucaan waxaa si wadajir ah u hirgeliyay Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ingiriiska (FCDO), waxaana ujeedkiisu yahay in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee ka howlgalaya meelaha lagala wareegay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo si rasmi ah u furay xarumahaas, ayaa sheegay in dhismayaashan cusub ay yihiin tallaabo weyn oo lagu xoojinayo dowlad-dhisidda iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, ayaa xusay in taageerada ay siiyeen dhismahan uu yahay mid muujinaysa sida ay dowladda Ingiriisku u garab taagan tahay horumarinta dowlad-wanaagga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha xarumaha adeegyada bulshada.

IOM ayaa sidoo kale  dhankeeda caddeysay in mashruucan uu muhiim u yahay gaarsiinta adeegyada dowladeed meelaha dhowaan laga saaray Al-Shabaab, si bulshada looga haqabtiro baahiyahooda degdegga ah.

Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in 15 ka mid ah 26 wasaaradood oo hoostagan koonfur galbeed  ay haatan si buuxda ugu howlgalaan xarumo rasmi ah, halka lix wasaaradood kale dhismayaashooda ay weli socoto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here