Sunday, August 10, 2025
Array

Mala awaalka Heshiiska isku badalashada aqoonsiga iyo Saldhiga ee Somaliland.

In ka badan 30 sano, Somaliland waxay raadineysay aqoonsi caalami ah, balse wey ku guuldarreysatay. Hadda, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa qprshe cusub u wado Washington: in Maraykanka loo oggolaado inuu dhisto saldhig milatari oo uu kaga faa’iideysto kheyraadka macdanta ee Somaliland, beddelkeedana lagu helo aqoonsi diblomaasiyadeed.

Qorshuhu wuu fudud yahay in la sharaxo, balse waa mid aan suurto gal ahayn in la fuliyo.

Washington uma baahna inay aqoonsi ku beddelato saldhig. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) lafteedu waxay soo jeedisay in Maraykanku ka samaysto xarumo Berbera, Kismaayo iyo meelo kale, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga amniga. Ciidamada Mareykanka waxay ka howl galaan Soomaaliya iyadoo Muqdisho oggoshahay, waxaana jira xiriirro aan rasmi ahayn oo ay la leeyihiin Hargeysa. Sida uu yiri qof falanqeeye Soomaali ah: “Halka Dowladda Federaalka ay bixiso awood sharci ah, Somalilandna ay ka fududeyso dhanka dhulka, Mareykanka loogama baahna inuu aqoonsado Somaliland ama dib u qeexo xuduudaha Soomaaliya. Indhaha Maraykanka, Muqdisho waa wiilka weyn ee leh awoodda rasmiga ah; Hargeysa waa kan yar ee raaca hoggaanka.”

Tani ma aha xeelad cusub. Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku dayay isla habkan markii uu Itoobiya u bandhigay marin badeed beddelkeeda aqoonsi — heshiis ay Muqdisho si degdeg ah u diiday.

Muqdisho iyo Hargeysa labaduba waxay si weyn ugu tiirsan yihiin gargaar milatari oo Maraykanku bixiyo, caawinta bani’aadantinimo iyo taageerada horumarineed. Istaraatiijiyad ahaan, waxay horay ugu jireen hooska amniga ee Washington.

Ololaha “saldhig-iyo-aqoonsi” wuxuu u egyahay wax ka badan khiyaano siyaasadeed halkii uu ahaan lahaa guul diblomaasiyadeed. Xukuumadda Cirro waxay wajahayaan cadaadis gudaha ah oo sii kordhaya: kacdoon aan weli xal laga gaarin oo ka socda Laascaanood, xaalad dhaqaale oo aad u adag iyo burburka heshiiskii muranka dhalinayay oo ay la galeen Itoobiya.

Xaqiiqadu waa mid cad: Mareykanku uma baahna inuu aqoonsi ku beddesho saldhig — Somalilandna ma iibin karto saldhig si ay ugu hesho sharciyad. Aqoonsigu ma aha badeeco; waa go’aan siyaasadeed oo dib u qaabeeya nidaamka caalamiga ah. Taasi waa tallaabo ay aad yar in ay Washington qaado beddelka qandaraas kireysi ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here