Wednesday, August 6, 2025

Jabuuti oo ka mid noqotay dalal Mareykanku u fidinayo gargaar Cunto

Jabuuti (Dawan ) _Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday deeq raashin degdeg ah oo ay ku baxayso $52 milyan, taasoo loo marsiinayo Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), iyadoo Jabuuti lagu daray liiska afarta dal ee gargaarka helaya. Dalalka kale waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, iyo Haiti.
Gargaarkan ayaa la filayaa inuu gaaro ku dhowaad 1.9 milyan oo qof, waxaana raashinka si toos ah looga keenayaa beeraleyda iyo warshadaha cuntada ee Mareykanka. Waxaa la qeybin doonaa 12,702 tan oo raashin ah, oo ay ku jiraan Misir, Bariis, Saliid, iyo Super Cereal Plus(Mushaari)

Mareykanka wuxuu siinayaa $52 milyan WFP si raashin naf-badbaadin ah loo gaarsiiyo dadka u baahan ee Congo, Itoobiya, Haiti, iyo Jabuuti,” ayuu yiri Tommy Pigott, Afhayeen ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ka dhacay Washington.

Raashinka ayaa laga dhoofin doonaa bakhaarada Houston ee Mareynaka iyo Jabuuti, taasoo muujinaysa doorka istiraatiijiga ah ee Jabuuti ku leedahay gargaarka gobolka.
Inkastoo deeqaha Mareykanka ay inta badan gaaraan meelaha ay macluushu ba’an tahay, ku darista

Jabuuti waxay muujinaysaa walaac sii kordhaya oo la xiriira baahiyaha cunno ee hoose ee dalka, gaar ahaan miyiga, qaxootiga, iyo deegaannada abaaruhu saameeyeen.
WFP iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa horay uga digeen in ay jiraan bulshooyin nugul oo u baahan gargaar joogto ah, inkastoo Jabuuti ay tahay xarun muhiim ah oo lagu kaydiyo gargaarka gobolka.

Deeqdan waxay sidoo kale kusoo beegmaysaa xilli Mareykanku burburiyay hay’addii horumarka USAID, una wareejiyay dhammaan gargaarka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo la jaray kumanaan mashruuc oo horumarineed.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin saamiga Jabuuti ka helayso gargaarka, hay’adaha samafalka ayaa filaya in qaybaha nugul ee bulshada sida qaxootiga, dadka saboolka ah, iyo kuwa ku sugan meelaha ay ka jirto biyo la’aan ama cunto yari ay si toos ah uga faa’iideysan doonaan deeqdan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here