Saturday, April 19, 2025

Maamulka Gedo oo uga digay guddiga doorashooyinka imaanshaha Gedo

Gedo, Soomaaliya – Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa ka digay qorshayaasha guddiga doorashooyinka ee ku saabsan in ay doorashooyin ka qabtaan gobolka, isagoo sheegay in aysan oggolaan doonin in doorashooyin aan la isku raacsaneyn ay ka dhacaan Gedo.

Al-Qaadi ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay arkayeen qaar ka tirsan guddiga doorashooyinka oo sheegaya in doorashooyinka ay ka dhici doonaan Gedo, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Guddoomiyaha ayaa si adag u sheegay in aysan jirin guddi doorasho oo ay isku raacsan yihiin Jubaland iyo dowladda Federaalka isagoo intaas ku daray in haddii ay isku dayaan tallaabadaas, waxa ka dhasha ay masuuliyadda qaadi doonaan.

“Waxaan uga digayaa xubnaha Guddiga Doorashada in ay isku dayaan oo ay isku sawiraan oo dhuumashaad ku soo galaan, naftiina u baqa,wixii  dhibaato ah ee soo gaarana ayagaa qaadi doonaan oo ka masuul ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gobolka Gedo oo ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha guddiga doorashooyinka uu sheegay inuu qorsheynayo in uu ka qabto doorasho qof iyo cod ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here