Abukar Osman
Jabuuti – Ciidanka ammaanka ee Gendarmerie Jabuuti ayaa 3-dii bishan Febraayo howlgallo ka sameeyay xaafadda Nasiib ee magaalada Jabuuti, iyagoo gacanta ku dhigay maandooriyeyaal kala duwan oo si sharci-darro ah loo geliyey gudaha dalka.
Baaritaannadan, oo qayb ka ah dadaallada ay sheegeen in lagu xakameynayo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, ayaa lagu soo qabtay qaad, sigaar, kiniiniyo, iyo noocyo kale oo maandooriyeyaal ah.
Sida ay sheegeen saraakiisha Gendarmerie Jabuuti, hal qof ayaa loo soo qabtay kaas oo lagu helay inuu ku lug lahaa fal-dambiyadan, iyadoo loo gudbiyay maxkamadda si loo marsiiyo xeerarka dalka.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamada ammaanka Jabuuti ay sameeyaan tallaabooyin ka dhan ah maandooriyaha. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, waxay gacanta ku dhigeen 5000 kiilo oo qaad sharci-darro ah oo la doonayay in si dhuumaaleysi ah lagu geliyo dalka.
Masuuliyiinta Gendarmerie Jabuuti ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka, laguna cirib tirayo ganacsiga sharci-darrada ah ee waxyeellada u geysta bulshada.