Monday, July 21, 2025

Giriiga ayaa hakiyay magangelyo siinta muhaajiriinta Waqooyiga Afrika

Athens (Dawan) – in ka badan 100 muhaajiriin ah, kuwaasoo badankoodu rag ahaayeen, ayaa Maaanta Isniinta, laga qaaday jasiiradda Crete loona raray dekedda Piraeus ee magaalada Athens, si loo diiwaan geliyo loona geeyo xarumaha xabsiga, sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Arrintani ayaa imaaneysa iyadoo Dowladda Giriigga ay si ku-meelgaar ah u hakisay dhammaan codsiyada magangelyo ee ka imaanaya muhaajiriinta kasoo talaabaya waqooyiga Afrika, gaar ahaan Libya, kaddib markii ay sare u kaceen dadka xeebaha Crete kasoo dega, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Tallaabadani waxa ay imaneysaa kadib markii 11-kii Luulyo, baarlamaanka Giriigga uu ansixiyay sharci si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka kaa soo ah :

• Hakinta codsiyada magangelyada ee muhaajiriinta ka imaanaya Afrikada waqooyi.
• Xiridda dadka si sharci darro ah kusoo gala, iyadoon la geeyneen xarumaha soo dhoweynta.
• Dhismayaal xabsi oo cusub ayaa la qorsheynayaa in laga hirgeliyo Crete, Piraeus iyo Lavrio.
Wasiirka socdaalka Thanos Plevris ayaa tallaabada ku sifeeyay “duullaan sharci-darro ah”, isagoo sheegay in dadkaasi aysan “xaq u lahayn inay magangelyo codsadaan.”

Xukuumadda Giriigga ayaa maraakiib dagaal iyo ilaalada xeebaha u dirtay meel u dhow xeebaha Libya, si loo xakameeyo tahriibka iyo shabakadaha dadka ka ganacsada.

15 July, Wasiirka Arrimaha Dibadda George Gerapetritis ayaa booqday magalada Benghazi, halkaasoo uu kula kulmay Khalifa Haftar, hoggaamiyaha ciidamada bari ee Libya, si ay uga wada hadlaan sidii loo joojin lahaa muhaajiriinta kasoo dhoofaya xeebaha Libya.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceeyay sharciga cusub:

• UNHCR iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Yurub waxay sheegeen in tallaabadani ay jabin karto heshiisyada Qaxootiga ee 1951, gaar ahaan “in aan dib loogu celin qof halis ugu jira dhibaato”.
• Human Rights Watch waxay sheegtay in Giriiggu u diidayo dadkaas xuquuqdii ay u lahaayeen magangelyo sharci ah, taasoo “noloshooda khatar gelinaysa.”

Dadka muhaajiriinta ah ee kasoo degay Crete waxay kasoo jeedaan Soomaaliya, Suudaan, Masar iyo Marooko, waxaana qaar badan la sheegay inay la ildarnaayeen biyo la’aan iyo daal badan. Jasiiradda Crete ayaa lagu soo warramay in aysan haysan kaabayaal ku filan.

In ka badan 10,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Crete lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan, taasoo dhalisay muran siyaasadeed oo ku saabsan sida uu Midowada Yurub ula tacaaleyo culeyska socdaalka. Go’aanka Giriigga ayaa noqon kara tusaale cusub oo ay raacaan dalal kale oo xuduudaha leh, ama sababi kara dhaleeceyn ka timaadda Brussels.

Hakinta codsiyada magangelyada ayaa sii jiri doonta ilaa bisha Oktoobar 2025, iyadoo aan la ogayn haddii ay Giriiggu ballaarin doonto xeerkan si uu u daboolo muhaajiriinta kale ee kasoo gala marinada kale ee badaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here