Wednesday, July 16, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo Ku Dhawaaqay Gogol Nabadeed

Mogadishu (Dawan Africa) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay gogol nabadeed oo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha, iyo walaaltinimada beelaha ku nool gobolka Sanaag. Gogosha nabadeed ee lagu qaban doono magaalada Ceerigaabo ayaa ah mid loogu talagalay in xal waara laga gaaro khilaafaadka ka taagan gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu ka hadlay muhiimada wada hadalka iyo iskaashiga beelaha kala duwan ee gobolka si loo xaqiijiyo xasilooni iyo nabad ku meel gaadh ah. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay odoyaasha dhaqanka iyo ganacsatada in ay si buuxda uga qayb qaataan nabadeynta iyo dib u soo celinta xasiloonida deegaanka.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in beelaha deegaanka ku nool ay muhiim tahay inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa jawi nabadeed oo wadajir ah, isagoo tilmaamay in wada-shaqeyn iyo iskaashi dhab ah ay horseedi doonto xasilooni waarta ee gobolka.

Somaliland ayaa horay u sheegtay in wareejinta ciidamada madaniga ah ee gobolka Sanaag ay ku dhamaan doonto, iyadoo ciidamada Somaliland ay mas’uuliyadda amniga gobolka si buuxda u qaadan doonaan.

Dhawaan, Somaliland ayaa bilaawday qorshe ay ciidamadeeda ku dari doonaan kuwa madaniga ah ee gobolka Sanaag, iyadoo ciidankaasi helaya tababaro ciidan si loo xoojiyo awooda amni ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here