Wednesday, August 20, 2025

Golaha Caafimaadka Soomaaliya oo Beeniyey inay mamnuuceen Xayeysiiska Caafimaadka

Abukar Osman

Muqdisho (Dawan ) – Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa si cad u beeniyey manata warqad lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaysay in goluhu soo saaray amar lagu mamnuucayo xayeysiisyada adeegyada caafimaadka ee dalka.
Warqadda, oo lagu shaaciyey baraha bulshada 19-kii Agoosto 2025, ayaa xambaarsanayd astaanta Golaha iyo qodobo sharciyeed oo ku saabsan xayeysiisyada caafimaadka. Hase yeeshee, Golaha ayaa sheegay inaysan ka soo bixin xafiisyadiisa.
“Soo saarista iyo faafinta warqaddan waa sharci-darro, maadaama aysan ka imaanin hay’adda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Warqadda la faafiyey ayaa mamnuucaysay xayeysiisyo loogu magacdaray marin-habaabinta, kuwa dhaqaale ahaan lagu khiyaaneeyo bulshada, kuwa la xiriira hadiyado ama qiimo-dhimis, iyo kuwa rajo been ah ka abuura daaweynta cudurrada ee goobaha caafimaadka.
Golaha ayaa intaas ku daray in warqaddaasi ay kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo sharci-darro ah oo ka baxsan awoodda rasmiga ah ee Golaha. Waxay ku doodeen in arrintan ay tahay cadaadis lagu saarayo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed.
Sidoo kale, Golaha Caafimaadka Qaranka ayaa sheegay in weli aan la magacaabin Guddiga Anshaxa, oo sharci ahaan muhiim u ah kormeerka iyo ciqaabta xirfadlayaasha caafimaadka iyagoo intaas ku daray in inta guddigaas si rasmi ah loo dhisayo aysan jirin cid awood sharci ah u leh in tallaabo ciqaabeed lagu qaado xirfadlayaasha caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here