Sunday, July 27, 2025
Array

Golaha DDS ayaa ansixiyay 14 degmo cusub.

Golaha Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u ansixiyay 14 degmo cusub, taasoo tirada guud ee degmooyinka deegaanka ka dhigaysa 91.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay kulan maanta ka dhacay xarunta golaha deegaanka, halkaas oo lagu meel mariyay bayaanka Aasaasida Degmooyinka, Maamul Magaalooyinka iyo Gobolada deegaanka. Ansixintaasi waxay qeyb ka tahay dadaalka maamulka deegaanka ee lagu hormarinayo adeegyada iyo maamulka heerarka hoose ee bulshada.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar, iyo Madaxweyne Ku xigeenka dowlad deegaanka.

degmooyinkaan cusub ayaa noqon doona kuwo leh hay’ado maamul oo u gaar ah, taasoo fursad siinaysa in si toos ah loo wajaho baahiyaha adeeg ee bulshada ku dhaqan meelahaas.

Maamulka deegaanka ayaa horey u ballan qaaday in la furi doono degmooyin cusub si loogu helo kala dambeyn iyo adeegyo cadaalad ah oo gaara bulshada baahiyaha gaarka ah leh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here