Sunday, May 4, 2025
Array

Golaha Shacabka oo Baajiyay Kulankii Maanta.

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si lama filaan ah u baajiyay kulankii la filayay inuu qabsoomo maanta oo Sabti ah, sida lagu sheegay warqad rasmi ah oo loo diray xildhibaanada. Kulanka ayaa dib loogu dhigey Isniinta 5 May 2025, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca.

Kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka ayaa si muran leh ku dhammaaday, kadib markii buuq iyo gacan ka hadal uu hareeyay fadhiga, taas oo muujisay xiisadda siyaasadeed ee kasii kordhaysa gudaha Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa yimid xilli uu jiro mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas ay horay u soo jeediyeen xildhibanno ka tirsan golaha, waloow aan si rasmi ah loo qaban. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa haatan dalka dibaddiisa ku maqan, taas oo sii hurisay saadaalinta ku saabsan xaaladda ka taagan baarlamaanka.

Inkastoo aan la caddeyn sababta rasmiga ah ee kulanka loo baajiyay, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumeysan in dib u dhigista ay la xiriirto xiisadda siyaasadeed iyo mooshinka laga wado Guddoomiyaha. Waxaa la sugayaa kulanka Isniinta si loo ogaado in mooshinkaasi horyaali doono Golaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here