Friday, May 23, 2025

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiis Milatari.

Abukar Osman

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta  yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay  heshiis is-afgarad milatari iyo amni oo dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Sacuudiga, kaasoo ay golaha  ay  usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul soomaaliya ,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo sidoo kale warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo qabanqaabada howlaha Xajka ee sanadkan.

Heshiiska milatariga iyo amniga ee lala galay dalka sacuudiga  ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada tababarrada ciidanka, qalabaynta, iyo is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, kuwaas oo fudleen kara  xaqiijinta amniga dalka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga ka dhaxeeya  waa mid istiraatiiji ah oo ku salaysan danaha labada dal, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Sacuudiga ayaa muddo dheer iskaashi kala duwan ku leh dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here