Friday, May 30, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo Ka Jawaabay Eedeymaha Diiwaangelinta Jaamacadaha

Muqdisho — Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa 28-kii bishan si rasmi ah uga hadlay eedeymo la xiriira habka ay ku wadaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, gaar ahaan ardayda jaamacadaha Muqdisho, kuwaas oo mucaaradka ku eedeeyay in si qasab ah oo ku salaysan awood ciidan loogu qasbayo in ay isdiiwaangeliyaan.

Cabdullaahi Salaad Yarow, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay in jaamacadaha qaarkood ay codsadeen in guddigu ugu tego xarumahooda, si loogu fududeeyo diiwaangelinta ardayda, maadaama ardaydu aysan fursad ku filan u helin in ay isdiiwaangeliyaan xilliyada shaqada ee guddigu furan yahay.

“Maalmaha shaqada oo ah Sabti illaa Khamiis marka la shaqeeyo, Jimcaha oo la nasanayo, ardayda jaamacadaha waxay fursad u waayeen in ay is diiwaangeliyaan xilli uu guddigu shaqeynayo, sidaas darteed ayay jaamcadaha qaar kamid ah ay codsi u soo gudbisteen in diiwaangelinta inta ay hadda u jirto looga soo dhaweeyo,” ayuu yiri Cabdullahi Salad Yarow.

Xubnaha mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xisbiga Himilo Qaran, ayaa horay guddiga ku eedeeyay in ay ku cadaadinayaan hay’adaha waxbarashada ee Muqdisho si qasab ah loogu diiwaangeliyo ardayda, iyagoo adeegsanaya awood ciidan.

Arrintan ayaa u muuqata mid guddiga doorashooyinka uga jawaabayaan eedeymaha ay mucaaradku u soo jeediyeen, iyaga oo beeniyay in arrintan lagu wado si qasab ah, isla markaana sheegay in talaabadaasi ay ku timid codsiyo rasmi ah oo jaamacadaha qaar ka yimid.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here