Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in diiwaangelinta codbixiyayaasha dib loo furayo intii u dhexeysa 9 ilaa 30 September 2025.
Guddoomiyaha NIEBC, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kaga dhawaaqay arrintan Sabtidii, xilli uu guddoonsiinayay shahaadooyin 14 urur siyaasadeed oo si rasmi ah loo diiwaangeliyey. “Waxaan dib u furi doonaa diiwaangelinta dadweynaha laga bilaabo 9-ka bishaan ilaa 30-keeda, si ururrada cusub ee la diiwaangeliyey ay fursad ugu helaan inay is-diiwaangeliyaan, siyaasiyiintooda iyo taageerayaashooda,” ayuu yiri.
Guddigu waxa uu sheegay in dib u furitaanka diiwaangelinta ay ujeeddadeedu tahay in ururrada cusub loo oggolaado inay abaabulaan oo ay qortaan xubnahooda. Talaabadan ayaa ka dhalatay heshiis ay gaareen dowladda federaalka iyo qeyb ka mid ah mucaaradka, kaas oo Mucaardaka ay ku ogolaadeen hahannaanka doorashada ee xukumadda talada haysaa kaas oo dhaliyey in dib loo furo daaqad cusub oo diiwaangelin ah.
Diiwaangelintii hore ee codbixiyayaasha gobolka banaadir , oo socotay muddo afar bilood ah, ayaa lasoo gebogabeeyay 15-kii August. Xilligaas, guddigu wuxuu sheegay in yoolkiisu ahaa 812,000 qof oo laga diiwaangeliyo gobolka Banaadir, balse in ku dhow hal milyan oo qof la diiwaangeliyey inkasta oo tirada rasmiga ah aan la shaacin.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo guddigu horey ugu asteeyey 30-ka October 2025 maalinta ay qabsoomayaan doorashooyinka golaha deegaanka ee Banaadir, taas oo laga yaabo in dib u furitaanka diiwaangelinta codbixiyayaasha ay sabab u noqoto dib u dhac ku yimaada xilligaas.