Saturday, June 7, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo Beeniyay in Dadka Lagu Qasbo Diiwaangelinta Doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha Soomaaliya Cabdikariin Axmed, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in dadka lagu qasbo inay is-diiwaangaliyaan.

Wuxuu sheegay in diiwaangelinta dadka aysan ahayn qasab, balse ay tahay xuquuq dastuuri ah oo qof walba uu leeyahay inuu iska diiwaangaliyo si uu uga qayb qaato doorashooyinka.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay dood dadweyne oo ka dhacday Muqdisho 4 Juun 2025, halkaas oo su’aalo ku saabsan doorka haweenka ee doorashooyinka dadweynaha laga weydiiyay. Guddoomiye Cabdikariin ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in qof kastaa uu xoriyad buuxda u leeyahay inuu is-diiwaangaliyo iyadoo aan la faragelin.

“Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu is-diiwaangaliyo, mana jirto cid la qasbi karo,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wuxuu sheegay in eedaha la soo jeediyey la baarayo, isaga oo sheegay in si gaar ah ula tashaneynaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in aanay jirin cid si qasab ah loo diiwaangelinayo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku booriyay bulshada inay si iskood ah isu diiwaangeliyaan si dalka loogu qabto doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay jiraan cabashooyin ku saabsan arrimaha diiwaangelinta, dadka ay ku soo gudbin karaan adeegga Customer Service-ka, oo ka wacaan lambarka 558.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay qaataan masuuliyad iyo ka qeybqaadasho buuxda, isagoo xusay in nidaamka doorashada ee xoriyadda iyo caddaaladda ku dhisan yahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here