By bakarosman
Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah u guddoonsiiyay shahaadada ururnimada Ururka Midowga Soomaaliyeed, kaasoo noqday ururkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo diiwaangeliyo tan iyo markii la shaaciyay furitaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadeed.
Munaasabadda lagu guddoonsiinayay shahaadada ururnimada ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Abdikarim Ahmed Hassan, Guddoomiye ku-xigeenka Saadiq Abshir Garaad, iyo xubno ka tirsan GMDQS.
“Maanta waxaanu shahaado guddoonsiin doonaa dhammaan ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa si ay u noqdaan ururo rasmi ah oo la aqoonsan yahay. Waxaan si gaar ah ugu diiwaan gelinaynaa ururka Midowga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddoomiyaha ayaa xusay in tartan adag uu u dhaxeeyo ururada siyaasadeed ee doonaya in la diiwaan geliyo, isagoo tilmaamay in ilaa 6 ilaa 7 urur horey u soo gudbiyeen codsiyadooda. Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay u gudbayso nidaamka doorasho qof iyo cod ah, taasoo muhiim u ah xasiloonida siyaasadeed ee dalka.
“Maanta waxa furmay albaabkii ay Soomaaliya ku aadi lahayd dimuqraadiyadda. Waxa la furay jidkii ay dalka ku gaari lahaa doorasho xor iyo xalaal ah, si shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay codkooda u dhiibtaan,” ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa 20-kii Janaayo 2025 ku dhawaaqay in diiwaangelinta ururada siyaasadeed ay furan tahay, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ee diiwaangelintu yahay 31-ka Maarso 2025.
Ururka Midowga Soomaaliyeed, oo la aasaasay sanadkii 2023, ayaa noqday ururkii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyo kadib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudaha sharciga, waxaana shahaadada ku guddoomay Mohamed Deeq Sheikh Mohamed, oo matalayay ururka.
Si kastaba ha ahaatee, hawlaha Guddiga Doorashooyinka ayaa wajahaya caqabado siyaasadeed, gaar ahaan ka soo horjeedka ay kala kulmayaan Puntland, Jubaland, iyo xisbiyada mucaaradka, kuwaasoo dhaliilay hannaanka uu guddigu u maamulayo doorashada. Mucaaradka ayaa ka digay in qaabka hadda loo wado diiwaangelinta ururada iyo doorashada ay abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo hor leh.