Monday, August 18, 2025

Jabuuti oo sagootisay safiirka Faransiiska

Jabuuti (Dawan) – Safiirka Faransiiska ee Jabuuti, Dana Purcarescu, ayaa soo gabagabeysay muddadii saddexda sano ahayd ee ay Jabuuti ku joogtay oo ay ka shaqeyneysay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.


Waxaa sagootin ugu sameeyay xafiiskiisa shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, halkaas oo labada dhinac ay ku adkeeyeen iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Faransiiska.


Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Jabuuti, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ammaanay dadaalka Safiir Purcarescu ee ku aaddanaa xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo baarlamaanka.
Wuxuu uga mahadceliyay dedaalladeeda joogtada ah ee ku saabsan horumarinta xiriirka labada dal muddadii ay xilka haysay.


Safiir Purcarescu, oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, 20-kii Oktoobar 2022, ayaa lagu xusay inay door muuqda ku lahayd xoojinta xiriirka labada dal.


Bixitaanka Safiir Purcarescu wuxuu soo xirayaa saddex sano oo joogitaankeeda Jabuuti ah, iyadoo iyada oo labada dawladoodba ay caddeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii wanaajiyo iskaashigooda soo jireenka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here