Monday, May 26, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo Ka Jawaabay Falalka Amni-darro

Gaalkacyo, 18 May 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa si kulul uga jawaabay fal uu ku sheegay amni darro oo ay ciidamada PSF ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo habeen hore.

Shir degdeg ah oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha 18 May 2025 ayaa lagu go’aamiyay in si buuxda loo mamnuuco dhaqdhaqaaq kasta oo sharci-darro ah, isla markaana la adkeeyo sugidda amniga gobolka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid aan la aqbali karin, isla markaana aysan jirin cid loo oggol yahay inay amniga khalkhal geliso.

Shirkaan ayuu sheegay in uu yimid kadib markii ay ciidamo si sharci-darro ah kusoo galeen magaalada, isla markaana ay isbaaro dhigteen magaalka bartankiisa, taasoo keentay khalkhal amni.

“Falkaasi waa mid aan la aqbali karin, waxaana caddeynaynaa inaan jirin cid loo oggol yahay inay amniga khalkhal geliso. Amaanka amniga anagaa masuul ka ah, cid aan kula gor-gortameyno na ma jirto,” ayuu yiri Mudane Faysal Sheekh Cali, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland.

Warbixin kasoo baxday Puntland ayaa sheegtay in shirka lagu adkeeyay mas’uuliyadda Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee sugidda amniga guud, iyadoo la farayo shacabka iyo hay’adaha amniga inay si dhow u wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo xasilloonida iyo kala dambeynta gobolka.

Waxaa sidoo kale la faray ciidamada ammaanka inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka.

Digniintan ayeey Puntland sheegtay in ay muujinayso sida maamulka Puntland uga go’an yahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka Mudug, isla markaana uu uga hortagayo wax kasta oo khalkhal galin kara amniga iyo nabadgelyada shacabka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here