Jigjiga,(Dawan) – magaalada jigjiga Waxaa si rasmi ah looga daahfuray 9 August 2025 guryo cusub oo loogu talagalay dhakhaatiirta iyo macalimiinta ka howlgala Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabaree, kuwaasoo dhismahoodu dhammaaday lana dhammeystiray dhammaan adeegyada aasaasiga ah.
Guryahan oo tiradoodu tahay 100 guri, ayaa xadhigga laga jaray kadib munaasabad si heer sare ah loo agaasimay. Waxaa guryahaasi si toos ah loogu wareejiyay dhakhaatiirta loogu talagalay, iyagoo hadda heli doona deegaan ammaan ah oo dhow xafiiskooda shaqo, taasoo qeyb ka noqon doonta kor u qaadista adeegyada caafimaad ee gobolka.
Munaasabadda furitaanka guryaha ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo heer gobol iyo heer federaal ah, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga Bashiir C/laahi, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Muuse Axmed, Maareeyaha Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabaree iyo masuul kale oo ka tirsan guddiga maamulka ee cusbitaalka.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, masuuliyiinta ayaa muujiyay muhiimadda ay guryahani u leeyihiin tayeynta adeegga caafimaadka. Waxaa la tilmaamay in guryahan ay yareyn doonaan caqabadihii dhanka hoyga ee haystay xirfadlayaasha caafimaadka, taasoo fursad u siinaysa in ay diiradda saaraan kor u qaadista adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.
Dhakhaatiirtii guryahan la wareegtay ayaa dhankooda u mahadceliyay hay’adaha iyo madaxda hirgeliyay mashruucan, iyagoo ballan qaaday in ay sii laba jibaari doonaan dadaalka ay ku bixiyaan daryeelka caafimaad ee bulshada.