Monday, October 7, 2024

Hal sano oo dagaal ah kadib waa sidee xaaladda marinka Gaza?

Gaza (Dawan)- Hal sano ayaa laga jooga markii maanta oo kale garabka militeriga ee ururka Xamaas iyo kooxaha kale ee iskacaabintu ay weerar ku qaadeen Israel, iyaga oo dilay in ka badan 1000 qof, sidoo kalena soo qafaashay 251 kale.

Aarsi aan kala sooc lahayn

Kadib Israel waxay weerar aan kala sooc lahayn kusoo qaaday marinka Gaza, iyada oo dishay ku dhawaad ​​42,000 oo u badan haween iyo caruur halka 97,100 kalena ay dhaawacday.

Waxay weeraradaas ku qasbeen dadkii ku noolaa marinka Gaza inay barakacaan, iyada oo sidoo kale la saaray xannibaad dhul, bad iyo cirka ah.

Burburinta Gaza

Weerarada Israel waxay sababeen burbur aad u ballaaran, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay burburka dhismayaasha burburay in ka badan 42 milyan oo tan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in, 163,000 oo dhismo ah, oo u dhiganta saddex-meelood laba meelood dhismayaashii ka dhisnaa Gaza, dagaalka ka hor inay ku waxyeeloobeen ama la dumiyay gabi ahaanba.

Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in 611 masaajid iyo saddex kaniisadood la dumiyay halka 214 masaajid oo kale ay qayb ahaan waxyeello kasoo gaartay weerarrada Israel.

206 goobood oo ah dhismooyiin taariikhi ah iyo 36 goobood oo loogu tala galay ciyaaraha ayay ku dumay duqeymaha Isarel.

Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), qiyaastii 67% biyaha mareenada Gaza iyo xarumaha fayadhowrka ayaa la burburiyay

Kooxda ka hortagga faqriga ee Oxfam ayaa sheegtay in 88% ceelasha biyaha ee Gaza iyo 100% xarumaha lagu sifeeyo biyaha in la burburiyay taasoo keentay hoos u dhac 84% ah wax soo saarka biyaha.

Sida laga soo xigtay Oxfam, Israel waxay burburisay 70% bullaacadaha Gaza iyo 100% xarumaha lagu nadiifiyo biyaha iyo shaybaarrada lagu baaro tayada biyaha.

Waaxda waxbarashada ee Gaza ayaan sidoo kale ka badbaadin weerarrada Israel, iyadoo 125 goobood oo isagu jira dugsiyo iyo jaamacado ay gebi ahaanba burbureen, 337 kalena ay waxyeelo soo gaartay.

Intaa waxaa dheer, 201 xarumo dowladeed ayaa dhulka lala simay, taas oo sii cuuryaamisay adeegyadii loo qaban lahaa dadweynaha.

Cuduradda Faafa

Weerarada isdaba joogga ah iyo go’doominta Israel waxay sidoo kale sababeen in cudurro kala duwan ay ka dhashaan deegaanada kala duwan ee marinka Gaza.

Bishii Luulyo, in ka badan 25% dadka Gaza waxaa ku dhacay cuduro halis ah oo ay sababeen wasakhowga deegaanka iyo biyo yaraanta, sida ay sheegtay Oxfam.

Sida laga soo xigtay xafiiska warbaahinta ee Gaza, in ka badan 1.73 milyan oo qof, waxaa ku dhacay cudurrada faafa.

Bishii Agoosto, cudurka dabaysha ayaa dib uga soo cusboonaatay Gaza markii ugu horreysay muddo 25 sano ah, taasoo keentay in hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka ay bilaabaan olole tallaal oo degdeg ah.

Gaajo

Israel waxay si bareer ah u horjoogsatay in Gaza la geliyo gargaarkii bini aadanimo oo loogu tala galay dadka dhibaateysan taas oo keentay in gaajo ay ka dillaacdo marinka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka sannadkii hore, ugu yaraan 36 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda cunno-la’aanta ee ka jirta Gaza.

UNRWA ayaa sheegtay bishii Juun in, in ka badan 50,000 oo carruur ah oo Gaza ku sugan inay u baahan yihiin daaweyn degdeg ah kadib markii ay soo wajahday nafaqo-darro ba’an .

Sida laga soo xigtay Oxfam, 1 ka mid ah 5tii qof ee Gaza ku nool ayaa wajahaya xaalad gaajo ah.

Barnaamijka Cunnada Adduunka waxa uu ku qiyaasay dadka ay cunto yaridu soo food saartay ilaa nus milyan qof.

Xaaladda Dhaqaale

Duullaanka Israel ayaa sidoo kale hoos u dhigay dhaqaalaha Gaza, iyada oo la burburiyay warshado, beero, iyo suuqyada kala duwan sida kuwa lagu iibiyo kalluunka

Qiyaasta hordhaca ah ee xafiiska warbaahinta Gaza ayaa tilmaamaysa khasaara dhaqaale oo dhan $ 33 bilyan.

Weerarka Israel waxa uu sababbay in saddex-meelood laba meelood shaqooyinkii jiray dagaalka ka hor, in la waayo taasoo keentay in shaqo la’aantu ay gaartay 80%, iyada oo marki hore ahayd 45% sida uu sheegay Ururka Shaqaalaha Adduunka.

Shirka Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta (UNCTAD) ayaa laga sheegay in saboolnimada Gaza ay kor u kacday 100%, halka ay ahayd 50% ka hor dagaalka .

UNCTAD waxa kale oo ay sheegtay in 80-96% hantida beeralayda Gaza, oo ay ku jiraan hababka waraabka, dhaqista xoolaha, iyo abuurka beeralayda inay dhibaato daran soo daartay.

Tani waxay sii xumeysay cunno yarida, iyadoo 82% ganacsiyadii Gaza ay hadda burbureen, taasoo uga siii dareysa kaabayasha dhaqaalaha .

Falcelinta Caalamka

Dagaalkan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee dunida casriga ah ka dhacay ayaa keenay in Koonfur Afrika ay dacwad u gudbiso maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee magaalada Hague iyada oo ku eedaysay Israel inay xasuuq ka geysatay Gaza.

Dhowr waddan ayaa ku biiray dacwadda ka dhanka ah Israel , sida Turkiga, Nicaragua, Spain, Mexico, Libya iyo Colombia.

Bishii May ee la soo dhaafay, maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa ku amartay Israel in ay joojiso duullaanka ay ku hayso magaalada koonfurta Qaza ee Rafax. Waxay ahayd markii saddexaad ee garsoorayaashu ay soo saaraan amaro horudhac ah oo ay ku doonayaan in lagu xakameeyo dhimashada isa sii taraysa ee Gaza iyo in la yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee ay sababtay go’doominta Israel.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay waxa uu ka careysay dad fara badan, waxaana mudaaharaadyo waaweyn laga dhigay daafaha caalamka kuwaas oo lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Israel ay ku waddo Gaza.

Bishii May, Spain, Norway, iyo Ireland waxay si rasmi ah u aqoonsadeen dowladda Falastiin, waxaana ku xigay Slovenia iyo Armenia bishii Juun. Tani waxay tirada guud ee dalalka aqoonsan Falastiin ka dhigtay 149 dal oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo gaaro xabbad joojin iyo heshiis isdhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya Israel iyo Xamaas ayaa guuldareystay ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu diiday inuu joojiyo dagaalka.

Ballaarashada Dagaalka

Dagaalku hadda waxa uu ku fiday gobolka, waxayna Israel duullaan ku qaaday Lubnaan sidoo kale waxay weeraro ka gaysatay Suuriya, Ciraaq iyo Iran, taas oo keentay inay Iran laba jeer weerar cirka ah ku qaado Israel.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa kusoo rogtay maraakiibta Israel amar ah inaysan adeegsan karin badda cas taas oo saameyn ku yeelatay isu socodokii dhaqaalaha ee marinka badda.

Dowlado uu horkacayo Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeyn ka gaystay Yemen, waxayna sheegeen inay bartilmaameedsadeen xarumaha Xuutiiyiinta.

Isku soo duuboo, hal sano kadib ma muuqato calaamad muujineysa inuu joogsado dagaalkan, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda Bariga Dhexe ay faraha kasii baxdo.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Anadolu

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here