Tuesday, April 15, 2025

56 sano kadib, Soomaaliya oo Bilowday Diiwaangelinta Codbixiyaasha.

Soohoyde

Shangaani, Muqdisho – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani, halkaas oo si rasmi ah uga Bilaabatay diiwaangelinta Codbixiyaasha  doorashada qof iyo cod ah ee dalka laga qabanayo.

Dadweynaha oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo waayeel ayaa safaf dhaadheer ku jiray saacado badan iyaga oo sugaya in ay helaan kaarka codbixinta, taas oo u horseedaysa fursad ay codkooda ugu dhiibtaan doorasho qof iyo cod ah.

Xuseen Macalin, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ugu dambeyn helay kaarkiisa codbixinta kaddib saacado uu ku jiray safka. “Waxaan rajeynayaa in kaarkani uu ii noqdo awood aan codkeyga ku muujiyo, isla markaana uu wax ka beddelo mustaqbalka shacabka aan ka midka ahay,” ayuu yiri.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyay inay socoto muddo 30 maalmood ah. Sida uu hore u shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ma jiraan wax shuruudo ah oo adag oo lagu xiro dadka isdiiwaangelinaya marka laga reebo in qofku yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb galay diiwaangelinta, iyagoo halkaas ka helay kaarka codbixinta. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in masuul kastaa uu isdiiwaangelinayo degmada uu degan yahay, isla markaana uu safka la geli doono shacabka.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo  Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysulwasaaruhu Wardhiigley ayay deganyihiin sow maaha ? ayagaoo lugeynaya ayay imaanayaan , sidiina oo kale  ayay  saf  ugalayaan codkooda ayay diiwaangashan doonaa”gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka.

Diiwaangelintan ayaa ku soo beegantay iyadoo la filayo in 20-ka April la soo gabagabeeyo isdiiwaangelinta ururrada siyaasadeed ee dalka, iyadoo ilaa hadda kaliya 5 urur ay si rasmi ah isu diiwaangeliyeen.

Hannaankan ayay dowladdu u aragtaa tallaabo dhab ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla markaana muujinaysa isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here