Monday, June 16, 2025

Shir ku Saabsan Hirgelinta Siyaasadda Beeraha oo Furmay

Muqdisho, Soomaaliya – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray hormarinta siyaasadda beeraha, gaar ahaan hirgelinta Siyaasadda Dib-u-habaynta iyo Wacyigelinta Iskaashatooyinka Beeraha.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd kor u qaadidda doorka iskaashatooyinka iyo dhiirrigelinta wacyigelinta beeraleyda, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo kobcinta wax-soosaarka beeraha ee dalka.

Furitaanka shirka waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Nuur Xaaji Cismaan, oo sheegay in muhiimad weyn ay leedahay in maanta laga doodo hirgelinta siyaasadda beeraha, taasoo kaalin mug leh ka qaadaneysa horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo kordhinta iskaashatooyinka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray, “Runtii haddii wax kasta aysan sharci lahayn ma aha wax jira oo lagu tashanayo, laakiin haddii ay sharci leeyihiin, wax walba waxay noqonayaan horumar leh. Sharcigu waa in qofku ogaado waxa uu sameynayo, waxa uu ka mid yahay, iyo meesha uu ku socdo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socday wasaaradaha beeraha ee dowlad goboleedyada, hay’adaha taageera arrimaha beeraha, iyo sidoo kale qaar ka mid ah iskaashatooyinka beeraha ee dalka.

Shirkan oo lagu wadaa in uu soo gaba-gaboobo maalinta berri ah ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga beeraha iyo kobcinta wax-soosaarka, taasoo qayb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here