Monday, May 12, 2025

Xisbiga Himilo Qaran oo Dowladda Federaalka eedeeyay

Muqdisho, Soomaaliya – Xisbiga Himilo Qaran ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu ka xunyahay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay roobabkii xoogganaa ee dhawaan ka da’ay Muqdisho.

Xisbiga ayaa tacsi u diray qoysaska ay masiibadu saameysay, gaar ahaan kuwa ay eheladoodu ku dhinteen roobabka.

Himilo Qaran ayaa hoosta ka xariiqay in roobku yahay raxmad Rabbi, hase yeeshee uusan jirin wax diyaargarow ah oo muuqda oo ay dowladdu samaysay, si loo yareeyo khasaaraha ka soo gaara bulshada, gaar ahaan dadka danyarta ah iyo barakacayaasha ku nool caasimadda.

“Dowladnimadu ma aha in kaliya la xasuusto dadka marka cod laga rabo ama dan laga leeyahay, balse waa ilaalinta nolosha, karaamada iyo badbaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir in ay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda, isla markaana ay dib u furaan marinadii biyaha ee magaalada, kuwa cusubna ay dhisaan. Sidoo kale, xisbigu wuxuu ugu baaqay in dadka canshuurta laga qaado wax loogu celiyo.

Arintaan ayaa imaaneysa iyada oo roobabkii ka da’ay  magaalada muqdisho ay sababeen  khasaare naf iyo maalba leh . Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa warbaahinta shalay  u sheegay in roobabkii ka da’ay Muqdisho ay sababeen dhimashada 7 qof — oo labo kamid ah ay yihiin dumar —burburka 9 guri, biyaha oo waxyeeleeyay guryaha ku dhawaad 200 qoys, iyo burburka  6 waddo oo muhiim ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here