Tuesday, August 5, 2025
Array

Hindiya oo Sii Wadi Doonta Iibsiga Shidaalka Ruushka Ka Dib Canshuurta Trump.

Dowladda Hindiya ayaa shaacisay inay sii wadi doonto iibsashada shidaalka Ruushka, inkastoo uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhawaan sheegay in New Delhi ay joojisay xiriirka shidaalka ee ay la leedahay Moscow.

Sida ay daabacday The New York Times oo soo xiganeysa laba mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Hindiya, New Delhi ma qorsheyneyso inay joojiso iibsashada shidaalka Ruushka, waxaana go’aannada lagu saleeyaa qiime iyo tixgelinno dhaqaale.

Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee TASS ayaa sidoo kale soo xigatay ilo ka tirsan dowladda Hindiya oo xaqiijiyay inaan wax isbeddel ah lagu sameynin siyaasadda shidaalka, iyadoo warshadaha sifeynta saliidda ee Hindiya ay weli si firfircoon uga iibsanayaan Ruushka shidaal qiime jaban.

Bayaanadaasi waxay kusoo beegmayaan kadib hadallo kasoo yeeray Trump, isagoo sheegay iyadoo aan caddeyn laga helin xukuumadda Hindiya in dalkaasi uu joojiyay iibsigii shidaalka Ruushka.

“Waxaan fahansanahay in Hindiya aysan wixi hadda ka dambeeya iibsan doonin saliidda Ruushka,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. “Taasi waa waxa aan maqlay. Ma hubo haddii ay sax tahay iyo in kale, balse waa talaabo wanaagsan. Waan arki doonaa waxa dhaca.” Ayuu sii raaciyay Trump.

Trump, oo horey ugu dhaliilay Hindiya xiriirka ay la leedahay Ruushka ee dhanka tamarta iyo hubka, wuxuu Arbacadii ku dhawaaqay canshuur dhan 25% oo uu saaray badeecooyinka laga keeno Hindiya.

Hindiya, oo ah dalka saddexaad ee ugu isticmaalka badan shidaalka dunida, ayaa si weyn u kordhisay iibsashada shidaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine 2022, iyadoo sabab uga dhigaysa qiimo dhimista iyo baahida dhaqaale ee kordheysa.

Dowladda Hindiya waxay marar badan difaacday mowqifkeeda, iyadoo sheegtay in istiraatiijiyadda tamarta ee dalka ay tahay mid aan dhinacna u janjeerin, ayna salka ku hayso danaha qaran.

Illaa iyo hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan hadallada Trump.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here