Tuesday, May 6, 2025

Hirshabeelle oo Dacwo ka ah Xildhibaan Xaadoole.

Abukar Osman

Jowhar – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa si kulul u weeraray Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, isagoo ku eedeeyay in uu doonayo in isbaarooyin sharci-darro ah lagu dhigo deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha xilli uu oo ka hadlayay furayay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, ayuu sheegay in Xildhibaan Xaadoole uu ka leexday waajibaadkiisii dastuuriga ahaa, isla markaana u dhaqmayo sida qof doonaya in uu carqaladeeyo amniga iyo horumarka deegaannada uu matalo.

“Ma jiryo xildhibaanada golaha shacabka nimey isbaaro u taalo dalka soomaaliya, mana jiryo xildhibaan ku haminayo oo xildhibaan cusmaan Xaadoole ahayn. ” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Eedeymahaan waxay jawaab u yihiin hadal uu horey uga jeediyay Xildhibaan Xaadoole, oo madaxweynaha ku eedeeyay in uusan doonayn in la adkaado Al-Shabaab, gaar ahaan dagaalka ka socda deegaannada Shabeellaha Dhexe. Xaadoole ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu yahay caqabad ka hor taagan guusha ciidamada dowladda.

Khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ayaa muujinaya kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhex aloosan madaxda heer gobol iyo kuwa heer federaal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here