Jowhar (Dawan) – Shir maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa la isla meel dhigay in la mideeyo waqtiyada aadaanka salaadaha iyo khudbadaha maalinka Jimcaha ee masaaajidda magaalada.
Shirka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee HirShabeelle ayaa waxaa ka qeyb galay culimada masaajidda magaalada iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda. Ujeedada shirkan ayaa ahayd in la mideeyo waqtiga salaadaha iyo khudbadaha, iyadoo la xoojinayo midnimada bulshada iyo masaajidda.
Inta uu shirka socday ayaa dhinacyadu ka wada hadlay sida ugu habboon ee arrintan loo fulin karo, iyadoo sidoo kale shirka looga hadlay dhibaatada ay leedahay waqtiyada salaaduha oo aan la mideynin.
“Xilliyada qaar waxaad aragtaa masaajidyada oo kala horeeyo; mid ayaa subax laga bixiyaa, mid kalena uu aadaamayo,” ayuu yiri Guddoomiyaha ku-xigeenka Dib-u-heshiisiinta Shabeelaha Dhexe, isagoo ka hadlayay kala duwanaanshaha waqtiyada salaadaha ee masaajidda magaalada.
Ugu dambeyn, dhammaan ka qeybgalayaasha ayaa ku heshiiay in khudbado mideysan laga aqriyo masaajidda HirShabeelle maalinka Jimcaha, si loo xaqiijiyo isku duubnida bulshada iyo midnimada umadda.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Maamulka HirShabeelle, Cali Cismaan Ibraahim, ayaa shirka ka sheegay in mideynta waqtiyada aadaanka iyo khudbadaha ay tahay talaabo muujineysa midnimada bulshada, isla markaana ka tarjumaysa hagaajinta diinta iyo masaajidda:
“Waxaa muhiim ah inaan diinteena hagaajino, masaajiddeena hagaajino, imaamyadeena iyo waqtiyada salaadaha iyo khudbadaha aan mideyno,” ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee HirShabeelle ayaa ka dalbatay culimada inay dhaqan geliyaan qodobadii looga hadlay shirka, si loo xaqiijiyo in khudbadaha iyo aadaanka salaadaha ee magaalada Jowhar ay noqdaan kuwo mideysan oo bulshada isku xiraya.