Friday, March 14, 2025

Hirshabeelle oo sheegtay in ay soo af jartay dagaal maalmahaan ka socday Shebeellada Dhexe

By Sayyid Omar

War saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishta Hirshabelle oo garab ka helaya ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka in ay guul ka gaareen weerar ay AlShabaab Khamiistii ku soo qaaday qaar kamid ah deegaanada Hirshabeelle.

Deegaannada Shabaab soo weerartay ee kala ah, Ceel Cali Axmed, Al-Kowsar, Daarul-nimca, Cali Fool-dheere, Miir-taqwo, iyo Ceel-Baraf kuwaas oo kamid ah goobo ay dowladda la wareegtay gacan ku heyntooda intii u dhaxeysay 2022 ,2023 iyo 2024.

“Hirshabeelle, waxa ay u xaqiijineysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in la soo af-jaray Khawaarijta damacooda ahaa in ay dib ugu soo laabtaan deegaanno iyo magaalooyin istraatiiji ah oo 3-sanno ka hor laga dulqaaday gumeysigooda.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle.


Sidoo kale, dowladda Soomaaliya oo dhankooda war saxaafadeed ka soo saartay weerarkaan ayaa soo ku soo bandhigay in ay dileen liiska magacyo ay ku sheegeen in ay ahaayeen horjoogeyaal ka tirsan AlShabaab oo tiradoodu gaareysay 5 xubnood kuwaas oo kala ahaa;

  1. Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow oo kooxda loo yaqaan Bagaax, kaas oo lagu dilay weerar ay AlShabaab Khamiistii ku soo qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed.
  2. Daahir Buuxsade oo ahaa taliyey urur kooxda ka tirsan.
  3. Xubin magiciisa lagu soo koobay Anas oo ahaa madaxa Gaadiidka AlShabaab.
  4. Khaalid Jiis oo isna ahaa taliye urur kamid ah kooxda.
  5. Casaam ayaa kamid ah xubnaha magacyada ay dowladda sheegtay in ay dishay, sidoo kalena ahaa taliye horin oo kamid ah AlShabaab.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Khamiistii war ay ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobolka Shabeelada Dhaxe sheegtay in 130 kamid ah AlShabaab lagu dilay weerarkaaas, halka sidoo kale ay sheegatay in ciidamada dowlada  ay halkaas ku furteen gaadiid dagaal iyo hub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here